heekadan waxaa noo soo diray Sacad Ciise Cumar:-Waxaan manta jeclaaday in aan soo ban dhigo arin xili hore iga yaabisay.
Waxay ahayd 1996 mar aan booqda dhulka baadiyaha ee g/saaxil bari ka xiga ayaa waxa dhacday in aan habeen u hoydey reer ka kooban nin iyo xaaskii oo aan wax ubad ah markaa haysan, laakiin haysta in yar oo adhi ah iyo awr, waxaan u imi waqti salaad maqrib ah, markii aan salaamay ayuu ninkii igu yidhi waar daalbaa kaa muuqdee iska fadhiiso oo iska joog, aniguna waan aqbalay oo waxaan fadhiistay meel bacaad ama ciid tuulan dusheeda, markii aan salaadii tukanay ayaa sida reer miyiga caadada u ah ninkii I haybsaday anigoo isu sheegay isla markaana u raaciyey in aan ku socdo reer aanu isku family nahay oo dagan miyiga kana codsaday hadii uu garanaayo reerkaa ama uu og yahay meesha ay yaaleen uu ii sheego, ninkii si fiican ayuu ii gartay reerkiina miishii ay yaaleen wuu ii sheegay waxaana uu igu yidhi birito ayaan is raacaynaa oo aniga ayaa kuu geynaaya reerkiiye hadii alle idmo, markii aanu intaa is dhaafsanay
home
Home
Post a Comment