News Update :
Powered by Blogger.

Search This Blog

Blog Archive

BTemplates.com

Hot News »
Bagikan kepada teman!

Maahmaahda Maanta

Penulis : ahmedmohamed on Sunday, April 29, 2018 | April 29, 2018

Sunday, April 29, 2018

Aadmi la aragyaaba, dhib la arag.
Aan wada hadalno waa aan heshiino.
Aar qoyey dacawo la mood.
Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa, waadaadna dad u eki.
Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.
Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey.
Adduun i khatal.
Adduunyo ka kabo li’id, aakhirana u salaad li’id.
Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
Adhi jiri ma kala abaal waydo.
Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
Adhi magantii ma barriiyo.
Adhi shidho laga daayo.
Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
Aduun wey kii amoodeey ogaaw.
Af aamusani marti ma sedo.
Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.
Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
Af aanad lahayn lama qabto.
Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo’ ha kuu daaqdo.
Af Daboolan, Dahab waaye.
Af hadlaaba aamus.
Af jabtay sideedii ma noqoto.
Af jooga looma adeego.
comments | | Read More...

Jinni ma ku caawiyay waligaa?

heekadan waxaa noo soo diray Sacad Ciise Cumar:-

Waxaan manta jeclaaday in aan soo ban dhigo arin xili hore iga yaabisay. 

Waxay ahayd 1996 mar aan booqda dhulka baadiyaha ee g/saaxil bari ka xiga ayaa waxa dhacday in aan habeen u hoydey reer ka kooban nin iyo xaaskii oo aan wax ubad ah markaa haysan, laakiin haysta in yar oo adhi ah iyo awr, waxaan u imi waqti salaad maqrib ah, markii aan salaamay ayuu ninkii igu yidhi waar daalbaa kaa muuqdee iska fadhiiso oo iska joog, aniguna waan aqbalay oo waxaan fadhiistay meel bacaad ama ciid tuulan dusheeda, markii aan salaadii tukanay ayaa sida reer miyiga caadada u ah ninkii I haybsaday anigoo isu sheegay isla markaana u raaciyey in aan ku socdo reer aanu isku family nahay oo dagan miyiga kana codsaday hadii uu garanaayo reerkaa ama uu og yahay meesha ay yaaleen uu ii sheego, ninkii si fiican ayuu ii gartay reerkiina miishii ay yaaleen wuu ii sheegay waxaana uu igu yidhi birito ayaan is raacaynaa oo aniga ayaa kuu geynaaya reerkiiye hadii alle idmo, markii aanu intaa is dhaafsanay
comments | | Read More...

Maahmaahda Maanta

Aadmi la aragyaaba, dhib la arag. Aan wada hadalno waa aan heshiino. Aar qoyey dacawo la mood. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar...

Blogger news

About

Blogroll

 
Company Info | Contact Us | Privacy policy | Term of use | Widget | Advertise with Us | Site map
Copyright © 2011. suugaanmaal . All Rights Reserved.
Design Template by panjz-online | Support by creating website | Powered by Blogger